Daawo:-Qaabkii ay u dhacday Munaasabada Sanad guuradii Saddexaad ee Maamulka Koonfur Galbeed

Xalay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu xusayay Sanad guuradii 3aad ee ka soo wareegtay markii la’aas aasay Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa Munaasabada goobjoog ka ahaa Hogaaminayo Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare,Wasiirka Haweenka Gal-Mudug, Odayaasha Dhaqanka KG Somalia, Wasiiro Ka Socday DFS , Xildhibaanada Labadda Aqal Ee Baarlamanka Somalia Ee Lagu Soo Doortey Koonfur Galbeed Somalia, Xafiiska Siyaasada QM Ee UNSOM , AMISOM, Maamul Goblka iyo kan Degmada Baydhabo.

Goobta Munaasabada ayaa waxaa lagu soo bandhigay Muuqaal ka hadlayay waxqabadka Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya Saddexdii Sano ee uu jiray Majaajilooyin, heeso lagu amaanayey Waxqabadka iyo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dhamaan Masuuliyiintii ka qeyb gashay Munaasabada ayaa Maamulka uu hoggaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ee Maamulka Koonfur Galbeed in uu horumar ballaaran agaray.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Munaasabadda