Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Maal-gashiga Afrika

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee dawladda Federaalka Soomaaliya Xildhibbaan Fahma Axmed Nuur iyo wafti ay hoggaaminayso oo ka socday Waaxda Maal-gashiga ee Wasaaradda Qorsheynta, ayaa dalka Masar kaga qeyb-galay shir ku saabsan Maal-gashiga Afrika ee 2019.

Shirkan, ayaa waxa iskugu yimi dawladaha Afrika, Deeq-bixiyeyaasha, Maal-gashadeyaal iyo weliba Baananka Horumarinta aduunka.

Shirka ayaa laga ga hadlay qorshaha horumarinta Afrika ee 2063, gaar ahaan dhinacyada Maal-gashiga oo ay Soomaaliya ka mid tahay, waxaana halkaas laga ga hadlay dhaqaale ay Baananka Aduunku ay maal-gashi kaga sameynayaan guud ahaan Afrika.

Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya, ayaa muddooyinkii dambe waday dedaalo ay dalka ugu soo jiidayso Maal-gashadeyaal caalami ah, waxaana ay aad ugu mashquulsan tahay siddii dalka looggu diyaarin lahaa Maal-gashi gudeed iyo mid dibaddeed ba oo caalami ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media