Ciiddanka Caalamiga oo 2 Burcad-baddeed ku toogatay Gacanka Cadmeed.

Ciiddanka Badda ee Caalamiga kuna sugan Badda Somalia ayaa la sheegay inay toogasho ku dileen 2 Burcad-baddeed, halka mid kalena y dhaawaceen, kadib, markii ay Burcad-baddeeda isku dayeen inay afduubtaan Mrkab maalintii shalay.

Axmed C/llaahi oo ka tirsan Ciiddanka La-dagaalanka Burcad-baddeeda ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in raggaasi la dilay qeyb ka ahaayeen koox ka kooban 9 Burcad-baddeed, kuwaasi oo la toogtay xilli ay doonayeen inay Markab aan la shaacinin ka qafaashaan meel ku dhow Gacanka Cadmeed.

Markab Dagaal oo meesha aan ka fogeyn ayaana la sheegay inuu Tacshiiradda ku furay Kooxda Burcad-baddeeda, iyadoo 6 ka mid ah u suurto-gashay inay baxsadaan.

Dadka deggan Tuulladda Durduri ee Xeebta Gobalka Sanaag ayaa sheegay inay maanta arkeen maydadka 2 nin oo la sheegay inay Burcad-baddeeda soo dhigeen meel ku dhow Xeebta Tuulladaasi.

Falalka Burcad-baddeeda ayaa dhawaanahan ku soo kordhayey Badda Somalia, 5 sanno oo aysan wax  falal Burcad-baddeednimo.

©Radio Dalsan