Ciidamadii AMISOM ee dhawaan lagu xiray Muqdisho oo la musaafurinayo

Ciidamadii AMISOM ee dhawaan lagu xiray magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in dhawaan laga musaafuriyo Soomaaliya si dalalkooda loogu soo maxkamadeeyo.

Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ayaa hore ugu heshiiyay in askarta AMISOM ee dacwadaha lagu soo oogo lagu maxkamadeyn doono dalalkooda.

Askarta oo u dhashay wadanka Uganda waxa la hor geyn doonaa cadaalada sida ay wada sheegen dowlada Soomaaliya,AMISOM iyo Afhayeenka ciidamada Uganda Paddy Akunda.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan xabsiga dhigay 5 askari oo AMISOM ka tirsan iyo 10 Soomaali ah oo si sharci darro ah uga ganacsanayay qalabka howlgalka AMISOM.