Ciidamadda Maamulka Ximin iyo Xeeb oo Howlgalo Burburin Ka Wada Cadaado

Ciidamadda Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa Weli howlgalo lagu burburinayo dhismooyinka sharci daradda waxa ay ka wadaan Xaafadaha Magaaladda Cadaado ee Gobolka Galguduud.

Gudoomiyaha Degmadda Cadaado Cabdullahi C/raxmaan oo la hadlay Radio Dalsan ayaa ugu baaqay dhamaan dadka reer Cadaado iney isaga guuraan dhismooyinka sharci daradda ee Wadooyinka gala si meesha looga saaro.

Waxa uu dhinaca kale sheegay in Maamulka Ximin iyo Xeeb uusan aqbali doonin Dhismooyinka aan sharciga ahayn.

Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa howlgalo Burburin waxa ay ka wadeen dhowrkii cisho ee la soo dhaafay Magaaladda Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximin iyo Xeeb.