Taliyaha Ciidanka Xoogga oo ka hadlay Weerarkii degaanka Xawaadley

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay dagaal saaka ka dhacay deegaanka Xawaadleey ee gobalka Shabeellaha dhexe.

Taliye Odawaa ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed in ay khasaare gaarsiiyeen dagaala,ayaal ka tirsan AL-Shabaab oo saaka soo weeraray Saldhigga ciidamada ee deegaanka Xawaadleey.

Waxaana intaasi uu ku daray in ciidamada Dowladda ay kaga dhinteen 5 Askari oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ee guutada 3aad ee qaybta 27aad, kaasi oo lagu magacaabi jiray Kornel Shataqey.

Jeneraal Odawaa oo la hadlayay Warbaahinta Dowladd ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerarkii ay soo qaadeen dagaalamayasha Al-Shabaab, kaasi oo ku billawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor