Ciidamada Liyuu Boolis oo si arxandarro ah Gabar ugu dilay deegaanka Qabri-Dahare

Wararka aan ka heleyno Magaalada Qabri Dahare ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Liyuu Boolis ay si arxandarro ah halkaasi ugu dileyn mid ka mid ah Gabdhaha ku nool Magaaladaas.

Dilka ayaa waxaa Dalsan u xaqiijiyey walaalkeed oo lagu Magacaabo Cabdi rashiid Cali,waxa uuna sheegay in Walaashiis ay Ciidamada liyuu Boolis Dhuunta ka ceejiyeen,sidaasna ay ku geeriyootay.

Gabadha ay ciidamada liyuu Boolis ay Galabta dileyn ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Taysiir Food Cumar Maxamed Salal,waxana la sheegay in ay isla goobtii lagu ceejiyey ku geeriyootay.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta Ciidamada liyuu boolis ee dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya u dileyn Gabadhaas.

Wixii faah faahin ah kala socda Radiodalsan.com.