Dhageyso:-Saraakiil iyo Askar loo xiray iska horimaadyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” oo Shir Jaraa’id xalay ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay dilkii shalay subax loogu geystay Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir Darawal Mooto Bajaajle ahaa  iyo Wiil la socday.

Waxaa uu sheegay Taliyaha in dilkaas oo ahaa mid fool xun uu geystay Dable Ibraahim Maxamed Cumar oo ah Askari ka tirsan Ciidaka Booliska,isla markaana Hay’adaha amniga gacanta ay kusoo dhigi doonaan,iyadoona haatan uu xiran yahay Taliyihii Mas’uulka ka ahaa aaga uu falka ka dhacay.

Waxaa kaloo uu xusay Taliye Ameeriko in Askarigii fal dambi ah u geysta Qof shacab ah sharciga lala tiigsan doono,isagoona heli doonin wax gabaad ah.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed  ayaa tilmaamay in Iska horimaadyadii Magaalada Muqdisho ku dhexmaray labadii maalin ee la soo dhaafay Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya loo xiray Saraakiil iyo Askar lagu tuhunsan yahay inay ku lugu leeyihii falalkaas,kuwaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacay dhacdooyin kala,kuwaasi oo geystay Khasaaro Nafeed.

Hoos ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media