Akhriso:-Goormee lagu dhawaaqi doonaa Golaha Wasiirada Puntland?

Magalada Garoowe ee  Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garoow loogu jiro in Madaxweynaha Cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu saacadaha soo socdo Magacaabi doono Golihiisa Wasiirada.

Dad lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Radio Dalsan in uu dhamaaday qorista liiska Golaha Wasiirada,hayeeshee Madaxweyne Deni uu wado la-tashiyada Xildhibaannada qaar iyo Odayaasha Dhaqanka.

Wararka kale aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni la filayo in Golihiisa Wasiirada uu ku dhawaaqo Maalinta Axada ah ee soo socota.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan joojiyay in la booqdo xafiiskiisa, kadib markii ay buux dhaafiyeen dhalinyaro doonaya inay ka mid noqdaan Golaha Wasiirada,hayeeshee weli lama oga tirada iyo dadka uu soo Magacaabi doono.

Intii uu ku guda jiray ol olihiisa doorashada ayaa waxa uu sheegay in markii uu guuleysto uu soo Magacaabi doono golo Wasiiro oo tayo leh,kuwaas oo samatabixin doona Shacabka Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor