Ciidamada Galmudug oo soo furtay Afar qof oo Ajaanib ah

Howlgal balaaran oo ay Xalay sameeyeeen Ciidamada Ammaanka Maamulka Galmudug ayaa lagu soo furtay Afar ruux oo u dhashay Dalka Iran kuwaas oo lagu heystay Magaalada Cadaado Ee Gobolka Galguduud.

Koox lala xiriiriyay Burcad badeeda Soomaalida ayaa afduubtay raggan u dhashay Wadanka Iran muddo imminka laga joogo 2 sanno ka hor halka warar kalena ay sheegayan in raggan ay kamid ahaayen 13 qof oo laga qabsaday doon dhawaan soo caarisay.

Howlgalka lagu soo furtay Afartan ruux ayaa xalay laga sameeyay Magaalada Cadaado oo hore loo heystay Dadkan reer Iran.

Kuluumeysatada Iran ayaa aad uga kaluumeysta Biyaha Soomaaliya iyaga oo aan ruqsadna u heysan waxana Dalka iran uu kamid ah yahay dhowr Wadan oo si sharci darro ah uga kalluumeysata Biyaha Soomaaliya.