Ciidamada dowladda Kenya oo dilay in ka badan Boqol Neef oo Geel ah

Ciidamada Booliiska dowladda Kenya ayaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay in qeybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari  ay ku dileen in ka badan 100 Neef oo Geel ah.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday deegaanka Tanariif ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya,arintaan ayaana layaab ku noqotay bulshada ku nool deegaanka Tanariif oo dhacdadaan ay ka dhacday.

Geella ay dileen Ciidamada Booliiska Kenya ayaa waxaa lahaa Dad Somaaliyeed,waxaana la sheegayaa in Ciidamadu aysan shaacin sababta ay u dileen 100,ka Neef oo Geella ah.

Ciidamada kenya ayaa waxa ay howlgalo kala duwan ka wadaan qeybo kamid ah Gobolka Waqooyi Bari halkaas oo dhowr mar ay weeraro ka geesteen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.