Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay taliye ku xigeenada Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya ayaa Maanta Magacabay Taliye ku xigeenada ciidamada Nabad-Sugida Somaaliya.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaliya Mmaxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) ayaa magacaabay  Taliye Ku Xigeenka 1-aad ee Nabad sugida Qaranka Iyo Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Nabad Sugida.

Taliye ku xigeenka Koowaad ee Hay’adda Nabad Sugida ayaa loo magacaabay Janaraal Cabdalla Cabdalla, halka Taliye ku xigeenka Labaad ee Nabad Sugida  loo magaaabay Jamaal oo Katirsanaa Safaarada Soomaalia Ee Turkiga, islamarkaana ku sugnaa dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay magaalada Caasimadda ah ee Muqisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media