Alshabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qarixii lagu dilay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga.

Afhayeenka Hawlgalladda ee Alshabaab, Sheekh C/casiis Abu Muscab oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa sheegay inay iyagu ka dambeeyeen falkii qaraxa ee lagu dilay Marxuum Muxiyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim oo ahaan jirey Wasiirkii hore ee Xukuumaddii KMG ee Ra’isul-wasaare Nuur Cadde.

Abu Muscab waxa uu intaasi ku daray  inay iyagu ka mas’uul yihiin qaraxa miinadda ee  uu ku geeriyooday Marxuumkaasi.

Dhinaca kale, Marxuum Muxiyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim waxa uu sannadkii 2008-dii Xilka Wasiirka Gaashaandhiga ka soo noqday Dowladdii KMG ee ay QM taageeri  jirtey.

Marxuumka inta uusan geeriyoonin waxa uu ahaa La-taliyaha Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka Somalia iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Urur-siyaasadeedka Kulan ee ka dhisan magaalladda Muqdisho.

Dhaqdhaqaaqa Alshabaab ee Isbahaysiga la ah Alqaacida waxay horey u sheegatay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo loo geystay Siyaasiyiin, Mas’uuliyiin hore iyo dad magac iyo maamus ku dhex lahaa Mujtamaca Soomaaliyeed.

QARAX MARXUUM MUXIYADIIN MAXAMED XAAJI IBRAAHIM

qarax4 qarax2

Xigasho: REUTERS

©Radio Dalsan