Suxufiyiin ku xirnaa Ethiopia oo la sii daayey

Shan Saxafi oo muddo ka badan hal sanno dhex yururay Xabsiyadda Ethiopia ayaa la sii daayey, kadib, markii uu Dacwad-oogaha Dowladda ka laabtay Eedeymihii loo haystay Suxufiyiintaasi.

Aljazeera ayaa sheegtay in Suxufiyiintaasi shalay la soo daayey, inkastoo ay ugu yaraan afar kale weli ku xiran yihiin Xabsiga.

Shabakad Wareed oo laga leeyahay Ethiopia ayaa qortay in la sii daayey Suxufiyiinta bloggers-ka ee lagu kala magacaabo Zelalem Kibret iyo Mahlet Fantahun, oo xubno ka ah the blog Zone 9.

Waxaa kaloo la sii daayey Suxufiyiinta kala ah:Tesfalem Wadyes, Asmamaw Hailegiorgis iyo Edom Kassaye.

Sii-dayntooda ayaa timid, iyadoo lagu wado inuu Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama dabayaaqada bishan booqasho ku tego Ethiopia.

Dhinaca kale, Ethiopia waxay ka mid tahay tobanka waddan ee Caalamka ugu faaf-reebka badan, laguna caburiyo Xorriyatul-qoolka.

Warbixin ay soo saartay Jaamacadda The University of Toronto ayaa lagu sheegay inay Dowladda Ethiopia adeegsato qalabka sirdoonka si ay ugu kormeerto Suxufiyiinta Ethiopianka ee ku kala nool Caalamka.

Xigasho: Aljazeera.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor