Akhriso:-Wararkii u dambeeyay ee dagaalkii Balad Xaawo iyo Al-Shabaab oo ka hadlay

Al-Shabaab ayaa saakay aroortii weerar ku bilaawday qarxyo ismiidaamin ah waxa ay ku qaadeen xero Ciidan oo Ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ku leeyihiin degmad Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Weerarka kadib waxa halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay labada dhinac kaas oo aad u xooganaa sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka degamda Balad Xaawo.

Dagaalka kadib ayaa waxaa halkaasi isaga baxay Ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda iyada oo si buuxda ay ula wareegeen Ciidamadii Al-Shabaab ee weeraray degmada Balad Xaawo.

Waxaa la sheegaaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo kala gaaray labada dhinac, balse Al-Shabaab ayaa war ay ku qoreen baraha Internet-ka waxa ay ku sheegeen in weerarkaas ay ku dileen ku dhawaad 30 Askari.

Dhanka kale Idaacadda Dalsan ayaa xiriir la sameysay Maamulka degmada Balad Xaawo balse uma suurtagelin sababa la xiriira Isgaarsiinta degmada Balad Xaawo oo Go’an.