Madaxweyne Farmaajo oo gaarey Addis Ababa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, si uu ugu qayb galo shirka deg-degga ah ee Urur Goboleedka IGAD, kulankaas oo looga hadli doona xaaladda koofurta Suudaan.

Waxaa sidoo kale Magaalada Addis Ababa ku sugan madaxda Dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, wakiillo ka socda midowga Afrika , QM, Madaxweynaha Dalka Koofurta Suudaan Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar , si loo xalliyo dagaallada sokeeye ee tan iyo 2013-kii ka aloosan Dalka koofurta Suudaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa hor dhigi doona Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan in la xoojiyo nabad galyada Gobolka, lana soo afjaro dhammaan colaadaha sokeeyo, iyadoona loo marayo is-qancin, isu-tanaasul iyo wada xaajood, si looga gudbo caqabadaha dib-u-dhigay horumarka Qaaradda Afrika.

Shirka looga hadlayo xaaladda Suudaanta koofureed ayaa lagu wadaa inuu gelinka dambe ee Maanta furmo, iyadoo ay waddamada ku bahoobay IGAD ka go’an tahay inay Labada dhinac ku dirqiyaan xal waara oo laga gaara colaadda daba dheeraatay ee ka taagan Suudaanta koofureed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor