Akhriso Magacyada Musharixiinta xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Maanta isdiiwaan geliyey+Sawirro

Ilaa shan musharax oo u taagan qabashada kusriga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS ayay maanta diiwaan geliyeen oo ay siiyeen shahaadooyinkooda musharaxnimo Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Gudiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo gelinkii dambe ee maanta la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in is diiwaan gelinta musharixiinta ay si wanaagsan ku bilaabatay, wuxuuna ku wargeliyay Xildhibaanada musharxiiinta ah ee aan weli is diiwaan gelin in ay heystaan oo keliya maalinta ah beri ah.

Musharaxixiinta maanta shahadooyinka la guddoonsiiyay waxa ay kala yihiin:-

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow

Xildhiban Sheekh Cali Sheekh Maxamed

Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)

Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

Maalinta berito ah ayaa guddiga qaban qaabada doorashooyinka waxa ay dib u bilaabi doonaan diiwaangelinta musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.