Safaaradda Soomaaliya ee (Qatar) ayaa faah faahin ka bixiysay xaaladda dadkii Soomaaliyeed ee dhaawacyadooda bil kahor loo qaaday dalkaasi Qatar, kuwaasi oo waxyeelo ay kasoo gaartay Qaraxii Ex-Koontarool Afgooye ee Muqdisho.
Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkaasii Qatar Cabdirisaaq Faarax Cali(Taan) oo ka hadlayay arrimaha dhaawacyadaasi iyo xaaladooda ayaa waxaa uu yiri “Sida aad la socotaan waxaa 30/12/2019 loo qaaday dalka Qatar dhaawac tiradoodu ahayd 23 qof iyo 23 qof oo ehelada dhaawacaas ah si ay u caawiyaan bukaanka , waxaa dhaawacaas lagu daawaynayaa Hamad hospital oo ah isbitaalka Guud ee dalka Qatar,kuna yaal magaalada Doha ee caasimadda dalkaas.
“Haddaba waxaa bukaankaas ku soo booqday isbitaalka Agaasimaha Guud ee hay’adda Qatar Fund for development Mr. Khalifa Jazim Al Kawari,kaas oo u kuur galay Xaaladda caafimaad ee bukaanka”. ayuu sii raacsiiyay C/risaaq Faarax Cali (Taano)
Sidoo kale danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar ayaa sheegay in Mudane Al Kawari uu u ballanqaaday bukaanka in dawladda Qatar diyaar ula tahay wax kasta oo ku saabsan caafimaadkooda.