Akhriso:-Golaha Shacabka oo ku Gacan seyray soo jeedin ka timid Xeer ilaaliyaha Qaranka

Kulan ay Maanta Xarunta Villa Hargeysa ku yeesheen Xubnaha Gudiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa waxa ay ku Gacan seyreen soo jeedin uga timid Xeer ilaaliyaha Qaranka taas oo ku aadaneyd xasaanad kala noqoshada laba Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

17,kii Bishaan ayaa Xeer ilaaliyaha Qaranka waxa uu soo gudbiyay in Xasaanada lagala laabto laba Xildhibaan oo kala ahaa Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye iyo Xasan Macallin Maxamuud kadib markii uu ku eedeeyay in ay yihiin qaran dumis.

Kulanka Gudiga joogtada ee Golaha Shacabka ayaa laga soo saaray qaraar ku aadan in la joojiyo xasaanad kala noqoshada labada xiuldhibaan ee aan soo sheegnay.

Hoos Ka Akhriso Warka ka soo baxay Gudiga joogtada ee Golaha Shacabka.