Maraykanka oo culayska ku saarayso Maamulka Puntland kiiska Muwaadin Somali-Maraykan lagu dilay Degmadda Qardho

Hooyo dhashay Wiil Somali-Maraykan 17 jir ah oo lagu dilay Maamulka Puntland ayaa cabasho u gudbisay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka si loo ogaado dadkii ka dambeeyey dilka Wiilkaasi.

Hooyadaasi oo la hadashay Telefishinka  FOX 9 ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in Wiilkeeda loo dilay sababtoo tahay isagoo Muwaadin Maraykan ahaa.

Marxuumka la dilay oo la oran jirey Camaar Abdirahman, oo ku dhashay Gobalka Minnesotta ee dalka Maraykanka ayaa waxaa la sheegay inuu Qoyskiisa ugu war dambeysay, ka hor inta uusan bishii December ee sannadkii hore tegin Somalia, kuna biirin  Dugsi ku yaalla Puntland, si uu u soo barto Dhaqankiisa.

Waxaa uu ka mid noqday Ardayda dhigata Dugsiga la seexdo ee Daarul Fajiri School oo ku yaalla Degmadda Qardho ee W/bari Somalia.

Hooyadda Marxuumkaasi ayaa sheegtay in Wiilkeeda lagu jir-dilay, laguna dilay Dugsigaasi, waaxyna soo bandhigtay Sawirro muujinaya sida loo jir-dilay Wiilkooda, iyadoo sumado jaydal ah oo dhabarkiisa ka muuqday, oo ay sheegtay inay  bishii May ee la soo dhaafay dileen shan nin oo ugu soo gashay qolkii uu ka deganaa Dugsiga Daarul Fajiri School.

Waxay tilmaamtay inkastoo uu Dugsigu ku yaallo dhul nabad ah, haddana ay Saraakiisha Puntland la socdaan dhacdada, balse ay  ka caga-jiidayaan inay sheegaan cidda ka mas’uulka ah dilka wiilkeeda, Camaar Abdirahman.

Waxay kaloo Hooyadaasi u sheegtay Telefishinka FOX 9 inay  iyada u hanjabeen dadka ka soo jeeda Deegaankaasi ee hadda kula nool Minnesota, kuwaasi oo ugu baaqay inaysan baahinin dilka Wiilkeeda.

 

“Waxay doonayaan inay burburiyaan nolosheyda, tan qoyskayga iyo qof kasta oo arrintaasi ka hadasho” ayey tiri hooyadda dhashay Marxuumka lagu dilay Degmadda Qardho.

Telefishinka FOX 9 ayaa sheegay inay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka  haatan cadaadis ku haynin oo keliya Maamul-gobaleedka Puntland, balse xitaa Dowladda Federalka Somalia lala socodsiiyey baaritaanka kiiska dilka Muwaadinka Somali Maraykanka ee Cammaar Abdirahmaan oo lagu dilay Degmadda Qardho.

Garyaqaan Daniel Kennedy ayaa sheegay inay tahay fal laga tiiraanyoodo in la arko dhacdadaasi, wixiima hooyada la wadaagay inaysan marnaba filaynin inuusan wiilkeeda dib ugu soo laaban doonin.

Dhinaca kale, Aabaha dhalay Marxuumka ayaa waxaa la sheegay inuu weli ku sugan yahay gudaha dalka Somalia, isku-day uu ku doonayo inuu ku helo faahfaahino ku saabsab dilka Wiilkiisa, Cammaar Abdirahman.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor