• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, May 20, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

WAR-MURTIYEEDKA MADASHA HOGGAAMIYEYAASHA QARAN (MHQ) DOORASHADA 2016-KA

Dalsan Editor by Dalsan Editor
August 9, 2016
in Warar
Reading Time: 11 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 02 – 09 Agoosto 2016ka. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweyne ku-Xigeenka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Cabdi.

Kulankani wuxuu daba socday kulankii madasha ee lagu qabtay magaalada Baydhabo 22-25 June, kaasoo lagu gaaray go’aamo khuseeya doorashada 2016ka.

Ujeeddada shirkani waxay ahayd in la dhammeystiro arrimaha qabyada ka ah hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran ee 2016ka.

  1. Muddada Xil-heynta laamaha Dowladda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya.

Madasha Hoggaanka Qaran ka dib markii ay aragtay jedwalka hirgelinta doorashada 2016 ee ay soo gudbiyeen Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD), isla markaana arkeen Qodobka 91-aad ee Dastuurka Federaalka ee qeexaya in laamaha dowladda Federaalka ee Jamhuuriyaddu ay ku kooban tahay afar (4) sano oo ka bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyey, maankana ku haya in duruufaha jira awgeed ayan suuragal ahayn in doorasho la qabto inta ka harsan muddada xilheynta ee laamaha dawladda ee hadda jira (Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha). Madashu waxa ay tixgeliyeen in ay lagama-maarmaan tahay in muddada gaaban ee kala guurka ah looga gudbo si huwan nabaadiino iyo xasillooni, aysan dhicin firaaq hay’adeed ku yimaada jiritaanka laamaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka. Madashu waxay guddoomisay in laga billaabo taariikhda ay ku dhammaaneyso muddada xil-heynta laamaha dawladda, ay xilka u sii hayn doonaan ilaa iyo inta natiijada cusub ee doorashada ee laamaha dastuuriga ah lagu dhawaaqo, sida ku cad jadwelka ay soo saareen (GFHDD).

  1. Dhammeystirka Dib-u-Eegista Dastuurka

Madashu waxaa ay si wadjir ah u bogaadinayaan Guddiga dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka federaalka, Guddiga Madaxa Bannaan ee dib u eegista dastuurka iyo Wasaaradda dastuurka shaqada wanaagsan ee ka soo qabteen dib u eegista dastuurka , waxa ay soo jeedineysaa in ay lagama-maarmaan tahay in howlaha dib-u-eegista dastuurka ee qabyada ah uu dhameystiro Baarlamaanka 10naad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dhawaan la dooran doono, isla markaana uu tixgelin iyo mudnaanta koowaadba siiyo Qaraarka iyo lifaaqyada uu Baarlamaanka 9aad ku ansaxiyey kalfadhigiisa 8aad ee 2016.

Adeegsiga Nidaamka Awood-qaybsiga 4.5 oo looga Gudbo Dhisidda iyo Hirgelinta Axsaabta Siyaasadeed

Madashu waxaa ay soo dhaweynayaan mabda’a dimoqraadiga ah ee suurtogalinaya in shacbigu helo fursad uu madaxdiisa si caadil ah ugu kala doorto barnaamijyo siyaasadeed oo ay ku kala tartamayaan axsaab siyaasadeed taasoo ah dariiqa ugu habboon ay Soomaaliya uga bixi karto nidaamka doorashooyinka ku saleysan 4.5 ee lagu soo meelgaaray. Sidaa darteed, Madaxda Madasha Qaranku waxaa ay isku raaceen in la horumariyo dhisidda iyo diiwaangelinta axsaabta siyaasadeed muddo labo sano gudahood ah, ka bilaabata taariikhda la doorto Baarlamaanka 10aad. Haddaba si arrintan loo hirgeliyo qof kasta oo Musharrax ah, oo u tartamaya kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka midkood waxaa laga doonayaa inuu saxiixo afti qoraal ah oo uu ku caddeynayo in uu labo (2) sano gudahood, ka bilaabata maalinta la dhaariyo Baarlamaanka 10aad uu xubin ka noqonayo mid ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee sharci ahaan dalka ugu sameysmay, Baarlamaankana ku matali doono xisbigiisa. Xildhibaanada ku guuleysta doorashooyinka ee aqalada Baarlamaanka ee Soomaaliya ay ka mid noqon doonaan axsaabta siyaasadeed ugu dambeyn 20ka Oktoober 2018. waxaa laga doonayaa in xafiiska Guddoonka Baarlamaanka geeyo caddeyn xisbiga siyaasadeed uu xildhibaanku xubinta ka yahay, Golahana ku matalaayo. Xildhibaankii ku biiri waaya xisbi siyaasadeed muddadaas ka dib waxey sababeysaa xil-waayid xubinimada golaha Xildhibaanku ka tirsan yahay, kursigaasna doorasho loo diro.

  1. Arrimaha khuseeya Guddiyada Doorashada:
  2. Madashu waxay dhameystirtay, magacyada xubnaha Guddiyada Doorashada ee heer Dawlad Goboleed (GDHGDG).
  3. Madashu waxay soo saartay tirada iyo magacayada xubnaha guddiga khilaafaadka, waxayna ka dhigtay tirada 21 xubnood halka ay markii hore ka aheyd 11 xubnood. Sagaal (9) ka mid ah guddiga waxaa soo magacaabeysa Dowladda federaalka ah, halka ay min laba (2) xubnood soo magacaabayaan Dowladaha xubnaha ka ah ama ka mid noqon doona Dowladda Federaalka ah.
  4. Madashu waxaa ay go’aamisay in xarun walba oo doorasho la geeyo 3 xubnood oo guddiga xallinta khilaafaadka ah waxayna ku go’aan qaadanayaan cod hal dheeri ah.
  5. Madashu waxa ay go’aamisay in ciddi cabasha qabta oo u gudbaya guddiga xallinta khilaafaadka la furi karo oo kaliya marka qofka cabashada qaba bixiyo khidmadda furidda gal-dacwadeedka $1,000 (kun oo doolar).
  6. Arrimaha Haweenka Musharixiinta ah ee u Tartamaya Labada Aaqal
  7. Sidoo kale, waxay madashu ku adkeynaysaa odayaasha dhaqanka iyo guddiyada doorashada inay xaqiijiyaan arrimaha soo socda:
  8. Xubnaha Xildhibaanada Golaha Shacabka ee la doortay, 30% waa in ay ahaadaan haween .
  9. Afarta beelood, beeshiiba haweenka la doortay waa in ay noqdaan 18 xubnood (4X18=72).
  10. Beesha shanaad, haweenka la doortay waa in ay noqdaan sagaal (9) xubnood.
  11. Si sare loogu qaado fursadaha haweenka ee doorashada 2016, madashu waxa ay go’aansatay in khidmadaha murashaxnimo ee haweenka hoos loo dhigo 50%, si loo dhiirrigeliyo taabbagelinta qoondada haweenka ee Baarlamaanka Federaalka
  12. Ergada doorashada ee beel walba oo ah 51 xubnood, ugu yaraan 30% waa in ay noqdaan haween.
  13. Xubnaha loo soo sharaxayo aqalka sare, 50% waa in ay noqdaan haween.
  14. Arrimaha Beesha Banaadiriga
  15. Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka, isagoo la tashanaaya odey dhaqameedyada beelaha Banaadiriga ee ku jira liiska 135ta oday dhaqameed iyo nabad-doonnada beesha, waxaa uu soo magacaabayaa afarta (4) xubnood oo ah guddiga doorashada ee beesha Banaadiriga
  16. Seddexda (3) Oday dhaqameedyada Banaadiriga ee ku jira liiska 135ta oday, iyagoo la tashanaaya Raisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Guddiga Doorashada beesha Banaadiriga, waxa ay soo xulaayaan 21 Ergo-doorasho oo ku saleysan toddobo beel hoosaad oo min saddex xubnood ah (7X3=21).
  17. Ergada-doorasho ee ah 21 xubnood ayaa u codeynaaya musharixiinta u tartamaaya in ay ka mid noqdaan Aqalka Sare.
  18. Odayaasha dhaqanka Beesha Banaadiriga ee ku jira liiska 135ta xubnood oo la tashanaya nabadoonnada beelaha Banaadiriga ah ayaa soo magaacabaya musharixiinta u tartameysa Aqalka Sare.
  19. Ugu dambeyn waxaa Odayaasha dhaqanka loo xilsaaray inay qaybinta kuraastaasi ka soo wadatashadaan meelmarinta kama dambeysta ahna ku soo wargeliyaan R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
  20. Shuruudaha Codeynta
  21. Doorashada halkii kursi ee Golaha Shacabka waxaa ay ansaxeysaa marka ugu yaraan labo musharax ay u tartamaan.
  22. Madasha waxaa ay go’aamisay in 51 ergada u codeyneysa halkii kursi ee Golaha Shacabka ay dhammaantood goobjoog ku noqdaan xarunta doorashada ka dhaceyso si ay u codeeyaan.
  23. Haddii beesha kursiga leh ay tirada 51 ergo ay buuxin weydo, dib baa loo dhigayaa kursigaas, waxaana la siinayaa fursad ay ku soo dhammeystiraan tirada 51 ergo muddada doorashadu socoto,
  24. Haddii aysan buuxin tirada ergada 51 ee u codeyneysa kursiga xubinimada golaha shacabka muddada doorashadu socoto, kursigaas waa la laalayaa.
  25. Arrimaha Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan
  26. a) Madashu waxey xakuumadda Federaalka ah ku adkeyneysaa in la xaqiijiyo dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe inta ka horreysa xilliga doorashada.
  27. Kuraasta Aqalka Sare ee Beelaha Somaaliland

Madasha Madaxda Qaranka oo tixgalineysa go’aanadii ka soo baxay kulankii Baydhabo kuna saabsanaa xalinta saami-qeybsiga iyo hannaanka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland iyo sidoo kale heshiiskii 12 Abriil 2016 doorashooyinka dadban ee 2016 iyo hannaanka dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo qeexaysa“Dawlad goboleedyada hadda jira ama dhismaya waxay samaysanayaan qaab ay kuraasta ugu qaybiyaan beelaha/dadyowga ama deegaanada, qaabkaas oo ah mid isku dheelitiran oo loo wada dhan yahay, iyadoo la hubinayo in dadka laga tirada badanyahay ay helaan metelaad ku filan”. Madashu waxay go’aamisay in qoondada 3-da kursi ay qoonda ahaan u leeyihiin beelaha Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle oo hal kursi ka mid ah ay leeyihiin beelaha laga tira badan yahay ee deggan degaannadaas.

Waxay sidoo kale Madashu go’aamisay in 2 xubnood lagu kordhiyo tirada kuraasta ay qoonda ahaan beelaha Soomaaliland ku leeyihiin Aqalka Sare ee Baarlammaanka Federaalka.

Ugu dambeyn waxaa Odayaasha dhaqanka loo xilsaaray inay qaybinta kuraastaasi ka soo wadatashadaan meelmarinta kama dambeysta ahna ku soo wargeliyaan Xafiiska Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xafiiska Guddoomiyaha

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

  1. Arrimaha Jadwelka Doorashada

Madashu waxay ay ansaxiyeen jadwalkan wakhtiyeysan ee doorashada 2016ka ee ay soo gudbiyeen GFHDD:

  1. Doorashada xubnaha Aqalka Sare in ay dhacdo 25ka September
  2. Doorashada xubnaha Golaha Shacabka in ay dhacdo September 24-10ka Oktoobar
  3. In xildhibaanada la dhaariyo 20ka Oktoobar
  4. In la doorto Guddoonka Baarlamaanka 25ka Oktoobar
  5. Doorashada Madaxweynahana in ay dhacdo 30ka Oktoobar
  6. Mahadcelin

Madashu waxaa ay u mahadcelineysaa Safiirada idman ee haweenka Somaaliyeed oo runtii muujiyey howlkarnimo iyo in ay ka go’an tahay ka gun gaaridda qoondada haweenka ee 30%.

Madashu waxaa sidoo kale u mahadcelineyaan Guddiga Federaalka ee Hirgelinta

Doorashooyinka Dadban (GFHDD) shaqadii wanaagsaneyd ee ay qabteen muddadii yareyd ee ay jireen.

Madashu waa ay u mahadcelineysaa beesha caalamka oo had iyo goor la garab taagan taageero dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Madashu waxaa ay isku raacday in shirka Madasha ee soo socda lagu qabto Muqdishu bisha 07- 09- 2016.

——————————DHAMMAAD———————-——-

Previous Post

Deg Deg:- Shirkii Madasha Qaran oo Muqdisho lagu soo xiray

Next Post

Head of NISA instructs Benadir residents to apply for identification cards for security purposes

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho
Warar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho

May 20, 2025
Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
Warar

Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

May 20, 2025
ROOBABKII XOOGANAA EE MUQDISHO DA’AY IYO SAMEYNTA UU KU YEESHAYWADDOOYINKA
Bilan Media

ROOBABKII XOOGANAA EE MUQDISHO DA’AY IYO SAMEYNTA UU KU YEESHAYWADDOOYINKA

May 20, 2025
Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran
Warar

Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran

May 19, 2025
DHAGAX-DHIGGA WADDADA NASIIB BUUNDO OO KA DHACAY MUQDISHO
Warar

DHAGAX-DHIGGA WADDADA NASIIB BUUNDO OO KA DHACAY MUQDISHO

May 18, 2025
Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan

May 18, 2025
Next Post

Head of NISA instructs Benadir residents to apply for identification cards for security purposes

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho

by Ilhaan
May 20, 2025
0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) ayaa maanta xarunta saddexaad ee baasaboor bixinta ka furtay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir. Munaasabadda...

Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

by Ilhaan
May 20, 2025
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa maanta weerar ballaaran ku qaaday fariisimo ay...

ROOBABKII XOOGANAA EE MUQDISHO DA’AY IYO SAMEYNTA UU KU YEESHAYWADDOOYINKA

ROOBABKII XOOGANAA EE MUQDISHO DA’AY IYO SAMEYNTA UU KU YEESHAYWADDOOYINKA

by Ilhaan
May 20, 2025
0

Magaaladda Muqdisho waxa ku da’ay roobab xooggan oo sameyn ballaaran ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka. Roobkan oo da’ay...

SSCKhaatumo Participates in ID4Africa Summit in Addis Ababa, Showcases Commitment to Civil Registration

SSCKhaatumo Participates in ID4Africa Summit in Addis Ababa, Showcases Commitment to Civil Registration

by Liban
May 20, 2025
0

ADDIS ABABA – The Federal Member State of SSCKhaatumo took part in the ID4Africa 2025 Annual General Meeting (AGM), a...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho
Warar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho

May 20, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
Warar

Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

May 20, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
ROOBABKII XOOGANAA EE MUQDISHO DA’AY IYO SAMEYNTA UU KU YEESHAYWADDOOYINKA
Bilan Media

ROOBABKII XOOGANAA EE MUQDISHO DA’AY IYO SAMEYNTA UU KU YEESHAYWADDOOYINKA

May 20, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SSCKhaatumo Participates in ID4Africa Summit in Addis Ababa, Showcases Commitment to Civil Registration
English News

SSCKhaatumo Participates in ID4Africa Summit in Addis Ababa, Showcases Commitment to Civil Registration

May 20, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Waa kuma Safiirka Cusub ee UK u Fadhiya Soomaaliya?
English News

Waa kuma Safiirka Cusub ee UK u Fadhiya Soomaaliya?

May 20, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Charles King Lands in Mogadishu as New UK Ambassador
English News

Charles King Lands in Mogadishu as New UK Ambassador

May 20, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho
  • Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
  • ROOBABKII XOOGANAA EE MUQDISHO DA’AY IYO SAMEYNTA UU KU YEESHAYWADDOOYINKA
  • SSCKhaatumo Participates in ID4Africa Summit in Addis Ababa, Showcases Commitment to Civil Registration

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00