Dhibane Xaashi Cumar Xasan ayaa shalay laga sii daayey Xabsi ku yaalla caasimadda dalka Talyaaniga ee Rome, kadib, markii uu xirnaa muddo 18-sanno.
Dhibanahaasi ayaa lagu waayey Dembigii loo haystay ee ahaa inuu ku lug lahaa Saxafiyad Talyaani ah oo bishii March 20-dii ee sannadkii 1994-kii lagu dilay magaalladda Muqdisho.
Qareen Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ahaa Qareenadii difaacaysay Dhibanahaasi ayaa Radio Dalsan u sheegay inay ku faraxsan yihiin Juhdi dheer kadib inuu Xaashi Cumar Xasan dib u helo Xorriyadiisa.
Qareen Yaxye waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay Maxkamadaha Talyaaniga baaritaankooda ku ogaadeen inuusan Dhibanaha wax lug ah ku lahayn dilkii Saxafiyadda Talyaaniga ee la oran jirey Ilaria Alpi iyo Sawir-qaadaheedii Miran Hrovatin.
Qareenka waxa uu u rajeeyey Dhibanaha inuu ku noolaado Nolol Mustaqbal leh iyo inuu ku soo laabto dalka hooyo.
Dhibanaha Xaashi Cumar Xasan ayaa isagana rajo ka muujiyey inuu Dowladda Talyaaniga ka heli doono Kharaj Magdhow ah, maadaama uu in ka badan 18-sanno uu si xaq-darro ah ugu xirnaa Xabsiga Talyaaniga.
Dhinaca kale, Warbaahinta Talyaaniga waxay qoreen in Saxafiyada Ilaria Alpi iyo Sawir-qaadihii la socday oo ka tirsanaa Telefishinka iyo Raadiyaha Dowladda Talyaaniga ee RAI inay Muqdisho u yimaadeen sidii ay Warbixin Muuqaal leh uga diyaarin lahaayeen Dagaalladii Sokeeye ee Somalia iyo Haraagga sunta Kiimikadda ee lagu daadiyo Xeebaha Somalia iyo Fadeexaddii Hay’adda Gargaarka Talyaaniga ee FAI.
Kooxaha Maafiyadda Talyaaniga ayaana u hanjabay Saxafiyadda oo iyagdu sheegtay inay Haraagga Wasaqda ee Toxic Waste ku aragtay Badda magaalladda Bosaaso.
©Radio Dalsan