Maanta oo Arbaco ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 4-ka Bishan September ayaa waxaa uu qorshuhu ahaa in Magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo Shirka dib u heshiisiinta Galmudug,hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid.
Guddiga shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa u xaqiijiyay inuu dib-u dhacay furitaanka Shirka oo qorshuhu ahaa in maanta uu Dhuusamareeb ka furmo.
Siodo kale Guddiga ayaa sababta keentay dib u dhaca ku sheegay inay tahay sababo farsamo la xiriira awgeed, isla markaana uu maalinta barrito ah furmayo shirka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo haatan ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu waday in uu furo shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ee lagu gogol xaari lahaa dhismaha Galmdugu loo dhanyahay.