Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa Maanta waxaa uu ku wajahan Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Socdaalka Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Caabudwaaq ayaa waxaa ku wehlin doona xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaano ka tirsan kamid ah labada Golle ee Baarlamaanka.
Ra’iisul Wasaare ayaa Magaalada Caabudwaaq saacadaha soo socoda ku tagaya safar dhanka dhulka ah,waxaana halkaas markii uu gaaro kula kulmi doonaa Waxgaradka iyo Odayaasha dhanka.
Si kastaba Xasan Cali Kheyre ayaa lagu waday Maanta in Magaalada Dhuusamareeb uu ka daahfuro Shirweynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug,hayeeshe waxaa ku yimid dib u dhac,lamana oga sababta rasmi ah ee keentay.