Waqtiga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Suuriya oo la shaaciyay

Suuriya ayaa 26-ka bisha May qaban doonto doorasho madaxtinnimo, sida uu shaaciyay baarlamaanka waddankaas.

Madaxweynaha talada haya, Bashar Al-Asad ayaan la fileyn inuu la kulmo tartan adag, waxayna u badan tahay inuu si aqlabiyad ah ugu guulaysan doono doorashadaas.

Kadib dagaal socday toban sano, xukuumadda Suuriya ayaa gacanta ku haysa inta badan magaalooyinka dalkaas. Ku dhawaad 400,000 oo qof ayaa ku dhintay colaadda Suuriya, waxaana ku barakacay kala bar shacabka waddankaas.

Waa doorashadii labaad ee Suuriya ka dhacda inta uu socday dagaalka sokeeye. Codbixintii dhacday 2014 oo mucaaradka, Maraykanka iyo Midowga Yurub ay ku tilmaameen mid sharci darro ah ayaa waxaa 92% ku guulaystay Bashar Al-Asad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor