Wakiilka QM iyo Wafdi La socda oo Gaaray Magaalada Kismaayo

Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka gaarka ah ee QM,  Micheal Keating  ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland oo si aad ah loogu soo dhaweeyey magaaladaas markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

Wakiilka Qm ee arimaha soomaaliya ayaa kulan gaar ah  xarunta madaxtooyada Jubbaland kula qaatay madaxweynaha maamulkaas ee Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay kawada hadleen arimo ay kamid tahay xoojinta dagaalka lagula jiro Al-shaabab ee ka socda Degaanada maamulka Jubbaland.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyey magaalada Kismaayo iyadoo Ciiddamada amaanka ee jubbaland heegan buuxa lagliyey si ay uxaqiijiyaan amniga oo ay xiliyada qaar ka  dhaacan falal lidi ku ah Amaanka Magaalada.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media