(DHAGEYSO):- Ganacsatada Suuqa Xoolaha Dharkenley oo Ka Cabanaya Maamulka Degmadaas.

Waxaa shalay ilaa maanta hakad ku jira dhaq dhaqaaqa ganacsi ee suuqa lagu iibiyo xoolaha dagmada dharkiinley ee gobolka banaadir, hakadka ganacsiga xoolaha iyo mehrado yar yar oo suuqa ku tiirsanaa ayaa timid markii 12 kaariko oo dhagax ah maamulka dagmada ku shubay barxada Suuqa.

Cali Sheikh Maxamed Nuur oo ah ganacsade ku iibiya suuqaasi xoolaha waxa uu Dalsan Radio uu sheegay inay saameen ku yeelatay ganacsigooda Dhagaxa lagu shubay halka ay xoolaha ku iibin jireen.

Waxa uu tilmaamay inay xiriir la sameeyeen maamulka dagmada islamarakaana ilaa iyo hada eysan ka helin war sugan isagoo xusay in suuqaasi markii hore uu dajiyey maamulka gobolka Banaadir.

In ka badan 48-tan saacadood waxaa hakad ku jira shaqada suuqa iyo sidoo kale mehrado gacansi oo lagu iibinaayey shaax, Cabitaan iyo cunooyinka  kuwaas oo ay nolol maalmeed kooda ku tiirsanaayeen qoysas danyar ah waxaana hada soo wajahay xaalado adag oo ay  codsanayaan in dib loogu furo suuqa si ayusiiwataan ganacsigooda.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Cod-ka Ganacsadaha.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media