Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha cusub ee (AU) oo booqasho ku jooga Muqdisho.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika (AU), Moussa Faki Mahamad  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka soo degay Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Wafdigaasi waxaa soo dhaweeyey RW Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Hawlgalka AMISOM.

Guddoomiyaha AU-da oo u dhashay dalka Chad waxaa la filayaa inuu Kulamo Khaas ah la qaato Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo, Guddoonka BFS iyo Saraakiisha Taliska AMISOM iyo Hay’adaha kale ee Caalamiga.

Moussa Faki Mahamad waxa uu Madaxweyne Farmaajo kala hadli doonaa Xaalladda Ammaanka Somalia, Abaaraha iyo Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab.

Dhinaca kale, Ammaanka magaalladda Muqdisho ayaa la adkeeyey, waxaana la xiray Waddooyinka muhiimka, gaar ahaan Waddada Maka Al-mukarama ilaa Garoonka Aadan Cadde.

Dadka Reer Muqdisho waxay saakayto ku soo toosseen, iyadoo ay inta badan Jidadkaasi la wada xiray, waxaana aad u yaraaday isku socodka Gaadiidka Dadweynaha, oo badankooda dhex maraya jidadka Xaafadaha.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media