Netanyahu oo ka hadlay duqeyntii ay ka geysteen Syria iyo Raashiya oo u yeertay Danjirihii Yuhuudda.

Ra’isul-wasaaraha Yuhuudda, Benjamiin Netayahu ayaa sheegay in duqeyntaasi hub ay lahaayeen Dagaalamayaasha Ururka Xisbullaahi ee Lubnaan, wuxuuna xusay inay duqeyn kale geysan doonaan haddi iay lama huraan noqoto.

Waxa hadalkiisa laga baahiyey Telefishinadda ayaa sheegay inay leeyihiin xubno Sirdoon oo ku soo wargeliya marka la arko dhaqdhaqaaq hub loogu wareejinayo Ururka Xisbullaahi Lubnaan.

Milliteriga Dowladda Syria ayaa sheegay inay Diyaarad Dagaal oo ay Yuhuudda leeyihiin ku soo rideen agagaarka magaalladda Palamyara, mid kalena ay duqeeyeen.

Dhinaca kale,  Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dowladda Raashiya ayaa u yeertay Danjiraha Yuhuudda u fadhiya magaalladda Mosko , Gary Koren, kadib, markii ay Diyaaradaha Dagaalka Yuhuudda gudaha u galeen Hawada dalka  Syria.

Yeeritaankiisa ayaa ku soo beegantay hal maalin kadib, markii uu Danjirahaasi Waraaqaha Aqoonsiga u gudbiyey Madaxweynaha Raashiya, Valadamir Putin.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media