Wafdi ka socda Xukuumadda oo gaaray Magaalada Baydhabo iyo ujeedka

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ahmed Moallim Fiqi ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiir Axmed Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Shaatigaduud kusoo soo dhoweeyey Wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur galbeed mudane Cabdullahi Xaaji Xasan iyo xubno kale.

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa shaacisay in socdaalka Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta uu ku tagay magaalada Baydhabo uu yahay mid la xiriira u kuurgelidda xaaladaha kajira magaaladaas iyo meelo kale.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Badhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa uu la kulmi doonaa Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo kala hadlayo xaaladdaha ka jira Maamulkiisa

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor