Waxaa goordhaw gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug wafdi ka socda Qaramada Midoobe oo ay hoggaamineyso ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha-guud ee Qaramada Midoobay Marwo Anita Kiki Gbeho.
Ujeeddada socdaalka wafdigan ayaa ah qiimaynta xaaladda guud ee dowlad goboleedka Galmudug, arrimaha doorashooyinka iyo horumarinta.
Waxaa la filayaa in guddigani ay kulamo la qaataan madaxda maamulka Galmudug, waxaana u jeedka iyo sababta ay halkaasi ay u taagyn ay tahay arrimo ku aaddan doorashada maamulkaasi, gaar haan doorashada Aqalka sare.
Doorashad Aqalka sare ee Senatorada kasoo kaliya dhanka Galmudug ayaa ah mid uu ka jiro loolan aad u xooggan, waxaana kursaasta taalla maamulkaas ee aqalka sare ay tahay mid si weyn loo hadal hayo.
Maamulka Galmudug ayaa dhawaan amaro culus soo saaray oo ku aaddan arrimaha doorashooyinka, waxaana sidoo kale la joojiyay in Mushariixinta u tartamaya kuraasta aqalka sare in loo sameeyo soodhaweyn.