Ra’iisul Wasaare Rooble oo shaaciyay waxyaabaha uu qaban doono

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Maanta la ansixiyay ayaa ka hadlay waxyaabaha uu doonayo inuu qabto inta uu xilka haayo.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa marka horey u mahadceliyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xilka Ra’iisul Wasaarenimo u Magacaabay 17-kii bishaan September, isagoona sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka.

Waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Cusub in waxyaabaha uu qaban doono inta uu xilka haayo ay kamid yihiin Arrimaha Amniga, Doorashooyinka Horumarinta dhaqaalaha, adeega bulshada, cadaalada, dowlad wanaaga, la dagaalanka musuq maasuqa, dib u eegista Dastuurka iyo dhab u heshiisiinta.

Sidoo kale Maxamed Rooble ayaa tilmaamay inuu soo dhisi doono Xukuumad oo ka tarjumeysa baahiyaha kala duwan ee dalka ka jira, isla markaana marxalada haatan uu dalka ku jira ka gudbisa, fulisana hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka ayaa uga mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka sida kalsoonida leh ee ay codka u siiyeen, isagoona la dalbaday inay ansixiyaan Xukuumadda Cusb ee uu soo dhisi doono.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media