Wafdi uu hoggaaminayo Siihayaha Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Xukuumadda Xamsa Saciid Xamsa ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.
Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa wafdiga Wasiir Xamsa kusoo dhaweeyay Wasiirka Gargaarka Galmudug Cabdiraxmaan Makaawe, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Maamulkaas, wuxuuna ka mahadceliyay Wasiirak soo dhaweyna loo sameeyay.
Ujeedka Wasiirka Gargaarka Dowladda ayaa waxaa uu yahay sidii uu dowlad Goboleedka almudug ugu wareejin lahaa agab muhiim u ah in lala socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey agab loogu tala-galay cimilada iyo tilmaamayaasheeda Musiiboooyinka u gaarsiisay dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa wado olole Dowlad-Gobaleedyada loogu sameynayo xarumaha sii saadaaliya halisyada Musiiboooyinka, si hey’adaha ay awood ugu helaan in ay sii ogaadaan halisyada ku soo fool leh.