Maxkamadda darajada 1aad ee Gobalka Nugaal ayaa Maanta oo Arbaco mar kale dib u dhigtay dhageysiga kiiska 7 Rag ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen fal isugu jiray Dil iyo kufsi oo loo geystay Hodan Axmed Maxamed (Shanlayste).
Kiiskan loo heysto Raggaas ayaa soo maray heerar kala duwan, waxaana la sheegay inay kasoo baxeen hadalo is khilaafsan, iyadoona dhageysigii Maanta uusan aheyn kii koowaad, iyadoona dhowr jeer horey loo dhageystay.
Sababta keentay dib u dhigista dhageysiga Dacwada ragga ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii eedeysanayaasha Maxkamadda Gobalka Nugaal la horgeeyay iyaga aan wadan qareenadii difaaci lahaa.
Garsoorka Maxkamadda ayaa sheegay in dhageysiga kiiska raggaas mar kale dib loo bilaabi doono doono, isla markaana Maxkamadda Go’aan kama dambeys ah ka gaari doonto kiiskas oo muddo soo jiitamayay.
22-ka bishii February ee 2020 ayaa Xeer Ilaaliyaha guud Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan Maxkamadda horteeda ka sheegay in qoyska marxuumad Hodan Shanlayste, dalbadeen in dhegaysiga kiiska dib loogu dhigo mudda 4 maalmood ah.
Intaas kadib mar kale ayay Maxkamadda darajada 1aad ee Gobalka Nugaal dib u bilowday dhageysiga Kiiska ragga loo heysto falka loo geystay marxuumad Hodan Shanlayste, iyadoona xiligaas kadib Maanta la bilaabay dib u dhageysiga, hayeeshee dib loo dhigay.
Si kastaba Allaha u naxariistee Marxuumad Hodan Shanlayse ayaa waxaa aheyd Haweeney xaas ah, waxaana fal isugu jiray dil iyo kufsiga Magaalada Garoowe loogu geystay 11-kii bishii April sanadkii 2019.