Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo Maanta gaaray Garoowe + ujeedka

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socday dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamuud Nuur Jaamac.

Wafdiga Wasiir Cabduqaadir Maxamuud Nuur oo ay kamid ahaayeen Wasiiro ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan.

Ujeedka Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda xilgaarsiinta ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa uu yahay sidii Maamulkaas ay ugala wareegi lahaayeen Maxaabiis muddo Garoowe ugu xiran burcadbadeednimo, lana xukumay.

Maamulka Puntland iyo dowladda Seychelles ayaa dhawaan ka wada hadlay sidii Muqdisho loogu wareejin lahaa Maxaabiista ku xukuman burcad-badeednimada ee ku xiran xabsiga Garoowe, kuwaasi oo gaaraya 15 Maxbuus.

Maxaabistan xukuman burcad-badeednimada ayaa kasoo jeeda degaannada Galmudug, waxaana Puntland Maanta ay ku wareejin doontaa  wafdiga ka socda dowladda ee halkaas gaaray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor