Natiijada kiiskii Cabdixakiin Dhegajuun oo lagu wareejiyay Xeer Ilaalinta Qaranka

Guddigii Xukuumadda xil-gaarsiinta u xil saartay baaritaanka dilkii 21-ka bishii Janaayo 2021 loo geystay Guddoomiyihi hore ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa Maanta yeeshan kulankii 9-aad oo u qabsoomay Guddiga.

Guddiga baarista dilkii Allaha u naxariistee Guddoomiye Cabdixakiin Dhegajuun ayaa natiijada kasoo baxday baaritaanka kiiska ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka, si loogu sii gudbiyo Maxkamad.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Yare oo warbaahinta la hadlay ayaa marka hore waxaa uu Ehelada Marxuum Cabdixakiin ugu cudur-daaray bilaha ay qaadatay baarista kiiska, wallow lasoo gaba-gabeeyay.

Guddoomiye Cali Yare ayaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ka dalbaday in si dhaqsi ah loo dadejiyo kiiskan, isla markaana Maxkamad lasoo taago dadkii ka dambeeyay dilkii Guddoomiyihii hodan Cabdixakiin Dhegajuun.

Wasiirka amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubey Jimcaale oo isna la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in kiiska Marxuum Cabdixakiin lagu wareejiyay Xafiiska Xeer ilaalinta, ayna rajeynayaan in qoyska Marxuumka ay cadaalad heli doonaan.

Ugu dambeyn Wasiirka amniga ayaa sheegay in Guddiga loo xil-saaray baarista kiiskaan uu dhowr jeer kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble, isagoona u mahadceliyay Guddiga ka shaqeeyay baarisa kiiskaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor