Maamul Goboleedkii ugu horreeyay oo dhambaal u diray Madaxweyne Geelle

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaayay magaciisa, kan Maamulka Puntland ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loo doortay.

“Waxaan u hambalyeenaya Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loo doortay, Shacabweynaha Jabuuti iyo Dowladoodana waxaan u rajeynaya horumar wanaagsan” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Geelle wuxuu door muhiim ah kasoo qaatay dhismaha dowladdnimada Soomaaliya, sida shirkii Carta iyo ka qeyb qaadashada amniga iyo garab istaaga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo 73 jir ah ayaa xilka Jabuuti hayay tan iyo sanadkii 1999, wuxuuna sii maamuli doonaa Jabuuti shanta sanno ee soo socota.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo iyo Midowga Musharaxiinta ayaa hambalyo u diray Madaxweyne Geelle oo markii 5-aad dib loogu doortay xilka Madaxtinimada dalkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor