Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta oo sabti ah waxaa ku wajahan wafdi heer Wasiiro oo ka socda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta iyo Mas’uuliyiin kale.
Ujeedka wafdiga dowladda Federaalka ay u tegayaan Garoowe ayaa waxaa uu yahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Munaasabadda xuska sannad-guurada aas’aaskii Puntland oo ku beegan 1-ka bisha Agoosto.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in xubno ka tirsan wafdiga Xukuumadda ay kulamo la qaadan doonaan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Saciid Cabdullaahi Deni iyo Mas’uuliyiin kale oo kamid ah Maamulka.
Magaalada Garoowe ayaa waxaa maalinta berri ka dhaceysa Munaasabadda sannad-guurada aas-aaskii Maamulka Puntland ee 1-da Agoosto, isla markaana waxaa socda diyaar garoow ku aadan Munaasabadda dhaceysa.