Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaliya oo bilaabay howshiisii caadiga aheyd ayaa la filayaa in Maanta uu la kulmo Afar ka mid ah Guddiyada Golaha Shacabka Soomaaliya.
Guddoomiye Mursal ayaa shalay la kulmay guddiyada kala ah Guddiga xeer-hoosadka,Guddiga dib-u heshiisiinta iyo guddiga difaaca,iyada oo kulamadaas ay ahaayeen kuwo isbarasho ah.
Maanta ayaa la filayaa in sidoo kale uu la kulmao afar Guddi,waxana sida uu sheegay Xogheyaha Golaha Shacabka Cabdi Kariin Buux uu sheegay in ilaa iyo Arbacada uu kulamada siiwadi doono.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale maalin kahor tegay Xarunta Golaha Shacabka,isaga oo halkaasi kula kulmay Xidlhibaano ka tirsan golaha Shacabka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xogheyaha Golaha Shacabka Cabdi Kariin Buux.