Hayada isku dabaridka arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobe taas oo magaceeda loo soo gaabiya OCHA ayaa ka digtay in roobabka soomaaliya ka curtay ay daadad sababi karaan.
Xafiiska OCHA ee Soomaaliya ayaa sheegay in curashada xilliga deyrta laga dareemay meelaha qaar oo roobab xoog leh ay ku hooreen .
Meelaha roobabka lixaadka leh ay ku hooreen ayey ku sheegtay gobolada Sool, sanaag, Nugaal, Mudug ,Galgaduud ,Hiiraan iyo Bakool. OCHA, waxay tilmaantay in roobabku ay sii kordhin karaan xaaladaha fatahaadaha iyo barakaca ka jira qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah.
Saameynta ugu badan ayaa waxaa ay roobabku ku yeelan doonaan sida OCHA ay sheegtay dadka ku nool meelaha ay fatahaaduhu ka jiraan gaar ahaan dhulka ku teedsan wabiyada Jubba iyo Shabeelle.
OCHA ayaa ugu baaqday maamulada deegaanadaasi iyo heyadaha la shaqeeya in ay qorsheeyaan talaabooyin looga jabaabo waxyeelada dhici karta.