Waare oo kulan la yeeshay Xildhibaanada laga soo doorto Hirshabelle

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho Kula Kulmay Xildhibaannada labada aqal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana  Ka soo jeeda Hirshabelle kulankaasi oo ku saabsan is xogwareysi la xiriira Xaaladda dalka iyo shirarkii Wadatashiga Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka sheekeeyay muhiimada shirarkii dhuusa Mareeb iyo Muqdisho ayna ka soo baxeen go’aanada muhiimka ahaa waxaana xildhibaannada uu ka codsaday meel marinta Go’aanadii ka soo baxay Shirarkii Wadatashi.

Madaxweynaha iyo xildhibaannada ayaa iska  xogwareystay Muhiimada ay leedahay dhisida Hirshabelada Cusub, loona baahanyahay Waxgaradka iyo aqoonyahanka Hirshabelle in ay ka qeyb qaataan dhisida Hirshabelle xalna laga gaaro mushkiladaha soo noq noqday oo ay ugu horeyso ammaanka iyo dagaal beeleedyada ragaadiyay deegaannada State-ka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media