Puntland oo dib u eegeysa Mashaariicda Hay’adda Save the Children

Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Hay’adda Save the Children ayaa maanta yeeshay kulan dib loogu eegayo mashaariicda ay ka wada Shaqeeyaan.

Kulankan oo ay ka qaybgaleen agaasimaha guud ee waaaaradda iyo qaar kamid ah agaasima waaxeedyada ayaa lagu lafa guray mashaariicda socota qorshihii 2020 waxa la gaaray caqabadihii jiray oo ay ugu weynayd in xanuunka Covid19 uu samaaynta ugu weyn ku yeeshay in sidii loogu talagalay ufulaan.

Agaasimaha guud wasaaradda  Abdirisaaq Hirsi Hasan oo shirka ka hadlay ayaa soo dhaweeyay qabsoomida kulankaan iyo sidoo kale wada shaqaynta wanaagsan ee Save The children kala dhaxaysa. Waxa uu soo bandhigay waxyaabihii qabsoomay caqabadihii jiray iyo sidii inta sanadka ka dhiman loo gaari lahaa qorshayaashii dagsanaa.

Mohamed Said Madaxa Save the children Puntland ayaa isaguna dhankiisa soo dhaweeyay shirkaan dib loogu eegayo mashaariicda ay wasaraadda kala shaqeeyaan, waxaana uu dhankiisa balanqaaday inay qorshahii sanadka daganaa wixii laga gaari karo la qabto.

Shirka ayaa kusoo dhamaaday is afgarad laga gaaray wixii laga wada hadlay iyo in la sii labo jibaaro shaqada socotay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media