Vladmir Putin oo amray in heegan la galiyo Ciidamada Nuclear-ka Ruushka

Iyadoo colaadda u dhaxaysa Ruushka iyo Ukraine ay tahay mid marba marka ka dambeysa Cirka isku sii shareeraysa ayaa waxaa soo baxaya warar hor leh, oo sii xumaynaya dhammaan rajooyinkii laga qabay in xaaladdu degto oo dagaalku joogsado.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa tilmaamaya in madaxweynaha Ruushka Vladmir Putin uu amray in heegan la galiyo Ciidanka gaark ah ee Ruushka u qaabilsan Nuclear-ka.

Arrinta ayaa u muuqata mid rajo beel iyo quus galinaysa dadaaladii la waday, ee ku aaddanaa in labada dhinac ay wada hadal galaan, inkastoo ay u muuqato in saaxiibada labada dhinac ay isku fiirsanayaan dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor