RW Rooble oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Nabadda iyo Amiga ee Midowga Afrika

Ra’iisul  Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda Amniga iyo Nabadgelyada ee Midowga Afrika Danjire Bankole Adeoye oo booqasho ku jooga dalka.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddoomiye Bankole Adeoye ayaa waxaa looga wada hadlay inta socday kaalinta Midowga Afrika ee nabadeynta Soomaaliya iyo doorka AMISOM ee sugidda amniga doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda Amniga iyo Nabadgelyada ee Midowga Afrika Danjire Bankole Adeoye ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay soo dhaweynta uu ugu sameeyay Xafiiskiisa.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Midogw Afrika ee AMISOM, Wasiiro iyo xubno kale oo kamid ah Xafiiska Ra’iisul  Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta.

Booqashada Guddoomiyaha Nabadda iyo Amiga ee Midowga Afrika ayaa ku soo aaday, iyadoo todobaadyo kaddib uu xilka ka dhammaanayo howlgalka Ciidamada AMISOM, loona diyaar garoobayo in 15 sano kaddib howlgalkii AMISOM loo bedelayo ATMIS.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor