Iyadoo ay maalintii 3-aad xiran yihiin dhowr Weriye oo u shaqeeya Telefishinka Aljazeera ayaa waxaa isa soo taraya Qeylo-dhaanta lagu codsanayo inay Weriyayaashaasi dib u helaan Xorriyadooda.
Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn (Reporters Without Borders) oo ay Xaruntiisa Dhexe ku taallo caasimadda dalka Faransiiska ee Paris ayaa ugu baaqay Dowladda Federalka Somalia in sida ugu dhaqsaha badan loo sii daayo Weriyaha Aljazeera, Xamsa Maxamed iyo Labada Sawir-qaade ee la socotay.
Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka Lahayn (RSF) waxay sheegeen in Weriyahaa iyo xubnaha kale
“Suxufiyiinta waxaa inta badan lagu qabtaa marka ay dhacaan dagaal u dhexeeya Ciiddanka Dowladda iyo Alshabaab, waxayna Suxufiyiinta noqdaan Dhibanayaal ama Dowladda ayaa xirta, iyagoo ku tuhunsan yahay inay la shaqeeyaan Alshabaab” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Hay’adda Suxufiyiinta ee RSF.
Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federalka, Maxamed Cabdi Xayir oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA ayaa sheegay in Suxufiyiinta Aljazeera lagu hayo baaritaan, lana sii dayn doono.
©Radio Dalsan