Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu dhigiisa dalka Maraykanka, Barack Obama u sheegay xilliga Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM laga soo saari doono gudaha Somalia.
Sida uu baahiyey Telefishinka Shiinaha ee CCTV Africa waxa uu Uhuru Kenyatta u sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, John Kerry in Ciiddankaasi laga soo saari doono Somalia sannadka 2018-ka.
“Xaalladda Ammaanka ee Somalia wey soo hagaagtay, kadib, dagaallo sokeeye oo socday in ka badan 20 sanno” ayuu yiri Uhuru Kenyatta, oo intaasi ku daray inay Kenya la bixi doonto Ciiddanka ka jooga Somalia.
Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay Hoggaamiyayaasha Mucaaradka Kenya ku cadaadinayaan Dowladda Madaxweyne Uhuru Kenyatta in Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM laga soo saaro gudaha Somalia.
Qeylo-dhaantaasi ayaa sii xoogeysatay tan iyo wixii ka dambeeyey Weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishii Janaayo 15-dii ee sannadkan ku dileen Ciiddamo tiro badan oo Kenyan ah, kuwaasi oo ku sugnaa Xero ku taalla Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.
Ilaa haatan, Dowladda Kenya weli si rasmi ahaan uma shaacinin Tirada dhabta ee Askarta looga laayey Ceel-cadde, inkastoo ay Alshabaab sheegeen inay in ka badan 100 Askari ku dileen Weerarkii Ceel-cadde
Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinayo tiradda Askarta Kenyanka bilowgii sannadkan lagu dilay Deegaanka Ceel-cadde ee K/galbeed ee Somalia.
©Radio Dalsan