Ciiddanka Cirka ee dalka Nigeria ayaa la sheegay inay duqeyn ku dileen Saraakiil sarsare oo ka tirsan Boko Haram, isla markaana ay suurtogal tahay in duqeyntaasi si xun loogu dhaawacay Hoggaamiyaha Kooxdaasi, Abubakar Shekau.
Afhayeenka Milliteriga Nigeria, Sani Kukasheka Osman ayaa sheegay inay Diyaaradaha Dagaalka habeenkii Jimcihii duqeeyeen Tuulladda Taye oo ku taalla Dhulka Kaymaha Sambiisa ee Gobalka Borno ee W/bari dalkaasi.
Waxa uu tilmaamay in la rumeysan yahay in Hoggaamiyaha Boko Haram, Abubakar Shekau dhawaacyo dhinaca Garbaha ka soo gaareen duqeyntaasi.
Ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya in la dhaawacay Hoggaamiyaha Boko Haram oo ay Milliteriga Nigeria dhowr jeer horey u sheegteen in la dilay.
Maleeshiyadda Boko Haram waxay dagaal 7 sanno jirsaday kula jiraan Dowladda Nigeria, kaasi oo lagu dilay ku-dhawaad 15,000 oo qof, kuna barakaceen in ka badan 2 million oo qof
©Radio Dalsan.