Xildhibaanad Florence Kajuju oo ka tirsan Wakiiladda Haweenka Gobalka Meru ugu jira Barlamaanka Kenya ayaa hadalkaasi ka jeedisay socdaal kormeer ah oo ay iyada iyo Xildhibaano kale ku tageen Barta Kontoroolka Xuduudka ee Lunga Lunga ee dalkaasi.
Waxay ka codsatay Madaxweyne Uhuru Kenyatta in la qaado Dadaal Diplomaasiyadeed iyo inay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya qaado tallaabo lagu qaadayo Xayiraadda ay Dowladda Somalia ku soo rogtay Qaadka Kenya ee loo iib geeyo Somalia.
“Waxaan baranay walaac badan oo laga muujiyey Tallaabadda ay Dowladda Dhexe ee Somalia u xayirtay Diyaaradii Xamuulka ee qaadka geyn jirey dalkaasi. Xaqiiqdii waa Go’aan aad looga xumaado” ayey tiri Florence Kajuju.
Waxay intaasi ku dartay in labadii maalood ee ugu horreysay ee Qaadka laga xayiray Somalia inay Ganacsatada Qaadka, Beeralayda iyo Qoyssaskooda khasaareen 100 million oo Shillinka Kenya.
Dhinaca kale, waxay si kulul u cambaaraysay Guddoomiyaha Gobalka Meru, Peter Munya, iyadoo sheegtay inuu faraha la galay Arrin uusan Fasax Awoodeed u haysanin.
“Haddii uu Peter Munya u sabab yahay Qaadka laga xayiray Somalia, Uma qalmo inuu hoggaamiyo dadka ku nool Gobalka eru” ayey tiri Xildhibaanadaasi ka tirsan Barlamaanka Kenya.
Sidoo kale, waxaa hadalkeeda taageeray Xildhibaan Kubai Iringo oo laga soo doorto Degmadda Igembe Central ee Gobalka Meru, wuxuuna ka codsaday Guddoomiyaha Gobalka Meru, ahna Guddooiyaha Golaha Guddoomiyayaasha Goballadda Kenya, Perter Munya inuu joojiyo Faragelinta Arrimaha Caalamiga.
©Radio Dalsan