Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa hoosta ka xariiqay Go’aanka Kenya ee lagu xirayo Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab
“Marka dad Aadane ah Xero lagu hayo in ka badan 20 sanno oo aysan u rumoobin Rajadooda, waxay ku keeni kartaa inay Qaxootigu ku biiraan Kooxaha Dembiilayaasha sida Alshabaab” ayuu yiri Uhuru Kenyatta.
.Dhinaca kale, Guddoomiyaha Bangiga Adduunka, Ji Yong Kim ayaa sheegay inay fahamsan yihiin Walaaca Kenya ee Xeradda Qaootiga Dhadhaab, wuxuuna intaasi ku daray inuu Bangiga Adduunka taageero ka geysan doono sidii ay Qaxootiga Soomaalida ku nool Xerada Dhadhaab iskooda ugu laaban lahaayeen dalkooda hooyo.
Waxa kale oo uu timaamay iyo inay eegi doonaan Habab kale oo Ilo Dhaqaale iyo Shaqo Abuur looga samayn lahaa Deegaanadda ay Qaxootiga ku sugan yihiin
Sidoo kale, Guddoomiyaha Bangiga Adduunka waxa uu soo dhaweeyey inuu Uhuru Kenyatta bisha soo socota ka soo qeyb geli doono Shirka Golaha Guud ee QM bisha soo socota kaga xaajoon doonaan Xaalladda Qaxootiga Caalamka
Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-oon iyo Madaweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa horey ugu baaqay Shirweynahaasi Heerka Sare ee bisha soo socota ka furmi doona Xarunta Dhexe ee Q ee magaalladda New York.
©Radio Dalsan