Boliska Kenya waxay Burcad Kenyan ku hubeysnaa Bistoolad xalay ku dileen Xaafadda Kalifornia ee u dhow Suuqa Ganasiga ee Islii oo ay Soomaali badan ku ganacsadaan.
Boliska waxay Tuugga la dilay ka heleen jeebkiisa lacag dhan 16,000 oo Shillinka Kenya taasi oo la rumeysan yahay inuu ka dhaay Ganasatada Suuqa Islii.
Boliska waay sheegeen in Dableyda la dilay oo 23 jir ahaa lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey Dilal iyo Dhac hubeysan oo ka dhacay Suuqa Xaafadda Islii.
The gunman, aged about 23, is suspected to be behind spate of robberies and killings in Eastleigh.
Sarkaal ka tirsan Boliska Degmadda Kamukunji, Bungei Adam ayaa sheegay inay Ganasatada ku soo wargeliyeen Dableygii dhacay taasi oo keentay in la toogto Ninkii hubeysnaa, wuxuuna intaasi ku daray inay baxsadeen 4 kale oo la socday Burcadka la dilay.
Mid ka mid ah Ganasatadda Suuqa Islii oo lagu magaaabo Maxamed Axmed ayaa soo dhaweeyey Tallaabadda Degdegga leh ee ay Boliska ku dileen Dableyga wuxuuna Saraakiisha Boliska ugu baaqay inay oojiyaan Ammaanka Suuqa iyo inay Ciiddanka heegan ku ahaadaan Suuqa Xaafadda Isli ee magaalladda Nairobi oo ka mid ah Suuqyadda ugu ashquulka badan Nairobi.
©Radio Dalsan